Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta Kulmaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka 10-aad ayaa Maanta oo Sabti ah Waxa ay Xarunta Golaha Shacabka ku yeelanaya Kulan.

Kulanka ayaa Waxa ay Xildhibaanada kaga hadli doonaa qodobo badan oo ay ka mid yihiin Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista ee dowladdaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in ay cod u qaadaan heshiiskaasi oo ay gashay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Golaha Shacabka waxaa horyaalla Sharciyo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda oo lagu doonaayo in ay meelmariyaan , waxaana ka mid ah Sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqa.