Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo matala degmada Buurhakaba ayaa ku eedeeyay ciidamada Itoobiya ee qaybta Sector 3 inay faragelin ku hayaan arrimaha siyaasadda gudaha ee degmada, iyagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay halis gelin karaan xasilloonida deegaanka.
Warqad rasmi ah oo ay u direen Guddoomiyaha African Union Commission iyo hoggaanka African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM), ayay xildhibaanadu ku muujiyeen walaac ku saabsan waxa ay ku tilmaameen cadaadis iyo faragelin ay ciidamada Sector 3 ku hayaan maamulka iyo go’aan-qaadashada deegaanka.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in ciidamada Midowga Afrika loo igmaday ilaalinta shacabka iyo xasillinta amniga, balse aysan ahayn inay saameyn ku yeeshaan ama hagaan arrimaha siyaasadeed ee gudaha, gaar ahaan xilli xasaasi ah oo ka jira Maamulka Koofur Galbeed.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu xusay walaacyo la xiriira:
cadaadis lagu hayo maamulka Buurhakaba,
xasuusta dhacdooyinkii doorashada 2018 ee gobolka
baahida loo qabo ilaalinta shacabka iyo marin u helidda gargaarka bani’aadantinimo,
iyo muhiimadda ay leedahay dhexdhexaadnimada ciidamada caalamiga ah.
Xildhibaanadu waxay ugu baaqeen Midowga Afrika iyo hoggaanka AUSSOM:
in dib u eegis lagu sameeyo doorka Sector 3,
in la xaqiijiyo dhexdhexaadnimada ciidamada,
in la ilaaliyo badbaadada shacabka,isla markaana la taageero geeddi-socod doorasho oo nabad ah.
Qoraalka ayaa ka digaya in haddii aan arrintan si degdeg ah wax looga qaban ay keeni karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo sii xumaata.




