Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habdhowraha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari markii uu la tashaday labadiisa ku xigeen ayaa waxa uu magacaabay Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.
Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa loo kala magacaabay sidatan:
- Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux)
- Xildhibaan Sharmaarke Suleymaan Buraale ku xigeen.
- Xildhibaan Maxamed NuurIftin (Shambara) ku xigeen.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay 3 Xildhibaan ee Habdhowrayaasha loo magacaabay.
158 Xildhibaan ayaa ogolaaday magacaabista Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen halka 8 Xildhibaan ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.
Ansixintan Habdhowraha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ee codadka badan lagu ansixiyay ayaa ka turjumeysa sida Xildhibaanada golaha shacabka ay ugu qanceen Mudanayaasha la magacaabay.
Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen ayaa 3 Xildhibaan waxa ay u garteen in ay noqdaan Habdhowrayaal ka dib markii ay qiimeeyeen aqoontoodaiyo sida ay ugusoo bixi karaan howsha loo magacaabay.
Mudanayaasha la magacaabay ayaa ka shaqeyn doono hagaajinta iyo nidaaminta golaha shacabka inta ay socdaan fadhiyada golaha uu yeelanayo.


