Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland Baashi Maxamed Faarax oo maanta xilkaasi ku guuleystay ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Hargeysa.
Guddoomiye (Jawaari) ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland looga baahan inuu si cadaalad ah u maamulo Golaha Wakiilada Somaliland.
Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa waxa uu sidoo kale ugu baaqay in uu si hufan oo cadaalad ah ugu adeego Shacabka uu masuulka ka yahay.
“Anigoo ku hadlaya magaca Golaha Shacabka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan hamblayo bogaadin iyo dhiiragelin u dirayaa Mudane Baashi Maxamed Faarax oo loo doortay Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana Alle uga baryeynaa in uu guuleysto”. Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland, ayaa maanta doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii saaka doorasho ay ka dhacday hoolka Xildhibaanada ay ku shiraan Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland.
Todobaad kadib ayaa la filayaa in la doorto Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliland.


