Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Xukuumadda dib ugu celiyay xubnaha golaha adeegga garsoorka, Waxayna ka dalbadeen in lasoo dhameystiro.
Kulanka Baarlamaanka oo ay soo xaadireen 142 Xildhibaan ayaa Waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana goob joog ka ahaa labadiisa ku Xigeen.
Furitaanka Kulanka ayaa Xildhibaanada dood kulul ka yeeshay ayaa in ajandaha Maanta laga saaro golaha adeega garsoorka, isla markaana dib loogu celinayo Xukuumadda Soomaaliya, si ay u soo dhameystirto golaha adeega garsoorka.
Dood dheer ka dib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa isku raacay in Xukuumada Soomaaliya dib loogu celiyo golaha Adeega Garsoorka isla markaana dib loogu celiyo Xukuumada.


