Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta hadalo Xasaasi ka jeediyay Xaflad soo dhaweyn ah Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug loogu sameeyay Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo Maanta gaaray Hobyo.
Waxa uu sheegay in Degmada Hobyo ay doonayaan in ay ka hirgeliyaan Mashruucyo hormarineed isla markaana ay la shireen Hay’ado Caalami ah oo doonayo iney Maalgashadaan Degmada Hobyo.
Waxa uu sidoo kale sheegayn in ay ka shaqeynayaan amniga Degmada hobyo isla markaana ay xaqiijinayaan amaanka guud ee degmada Hobyo.
Waxa uu sidoo kale ka warbixiyay halka ay Marayaan Maamulka la doonayo in loo dhiso Degmada Hobyo oo uu sheegay in ay wadaan la tashiyo kala duwan iyo kulamo joogto ah.
Hoos ka Dhageyso Codka:-


