Xildhibaanada Aqalka Sare oo tagaya degaanadii laga soo doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in ay booqdaan degaanadii laga soo doortay sida ay xaqiijiyeen Gudoonka Xildhibaanada Aqalka Sare.

Gudoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in dhawaan ay booqan doonaan Caasimadaha dowlad goboleedyadda.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaanada Aqalka Sare ay matalaan maamul goboleedyadda, islamarkaana ay keeni doono xoggo ku aadan degaanadii laga soo doortay.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi Gudoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sidoo kale tilmaamay in u jeedka ay booqanayaan dowlad goboleedyadda in ay tahay in sare loo qaado wada shaqeynta Aqalka Sare iyo maamul goboleedyadda.