Suxufi Axmed Kismaayo oo geeriyooday

Waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday Allaha u naxariisto Axmed Maxamed Cali (Ahmed Kismaayo) oo muddo sanado badan ka soo shaqeeyay laanta Afka Somaliga ee BBC sidoo kalena soo noqday Gudoomiyihii Guddiga doorashooyinka Puntland.

Axmed Kismaayo oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaayay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa laba todobaad ka hor wuxuu hawlo caafimaad u aaday dalka India.

Wararka saaka ka imaanaya dalka India, ayaa sheegaya in Axmed Maxamed Cali uu ku geeriyooday Isbitaalka gudihiisa, kadib markii maalmihii la soo dhaafay xanuunka haayay uu aad u sii darsaday.

Axmed Kismaayo ayaa Muddo dheer ku sugnaa degaanada maamulka Puntland, waxaana uu ka mid ahaa Aasaasayaashii warbaahinta degaanada maamulka Puntland.