Alle ha u naxariistii waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka tirsanaa Baarlamaanka Galmudug waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen Ilaalada Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu marayay Nawaaxiga Bar Control oo ku taala Sayidka waxaana Gaarigiisa oo ku soo dhawaaday gaariga Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya waxaana la sheegay in ay rasaas ku fureyn Gaariga Marxuumka ilaada Xildhibaan Abuukaate.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Risaala u xaqiijiyay dilka Xildhibaanka.



