Xildhibaan Geedi oo Aas Qaran loo sameeyay “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan Qabuuraha Isbitaal Madiina maanta waxaa lagu Aasay Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi oo xalay ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan Ex Difgeer.

Allaha u naxariistee Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Labada Gole, Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Ehelada Marxuumka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa mudooyinkan hayay xanuunka dhiig-karka ah, waxaana la seexiyay Isbitaal, waxaa uu ahaa Xildhibaanka kaliya ee ka maqnaa Doorashadii Madaxweynaha ee dhacday Arbacadii la soo dhaafay.

Dhinaca kale Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii xalay ku timid Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, waxaana Madaxweynuhu ku tilmaamay inuu u ahaa nin naftiisa u huray u adeegida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420

Exif_JPEG_420