Xildhibaan caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, Dabley hubeysan ayaa caawa gudaha degmadaasi waxa ay ku dileen Xildhibaan ka tirsaneyd Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Allaha u naxariistee xildhibaanada la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Ruqiyo Xasan Abshir, waxaana geerideeda Idaacadda Risaala u xaqiijiyay mid ka mid ah eheladeeda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay xilliga Marxuumada la dilayay in ay ku jirtay gudaha Farmashiye ku yaalla Xaafadda Suuqa Cawska oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Maana-booliyo.

Raggii dilka geystay oo ilaa hadda aanan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidanka Dowladda Federaalka.

Maamulka degmada Shibis iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in ay ku daba jiraan raggii dilka geystay, ayna rajeynayaan in ay gacanta ku soo dhigaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ahna ku simaha Guddoomiyaha Aweys Xuseen Maxamed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay ka tacsiyadeynayaan geerida Marxuumad Ruqiyo, wuxuuna dalbaday in gacanta lagu soo dhigo Dableydii dilka geysatay.