Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhexeeya Itoobiya iyo Masar ee salka ku haya biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile.
Biyo-xireenkaas ayaa Masar ay u aragto inuu yareyn doono biyaha Masar ay ka hesho webiga Nile, oo bixiya in ka badan 90% biyaha ay cabaan islamarkaana isticmaalaan boqolka milyan ee dalkaas ku nool.
Itoobiya oo iyana dooneysa inay koronto ka dhaliso biyo-xireenka ayaa ku doodeysa inuu muhiim u yahay dhaqaalaheeda iyo horumarkeeda.
Wadahadallo muddo soo socday oo lagu doonayay in khilaafkaasi xal looga gaaro ayaan miro-dhal noqon, waxaana jiray hadallo kulul oo ay dhinacyada is-dhaafsadeen.