Xiisad ka taagneyd deegaanno ka tirsan Galmudug oo la soo afjaray

Xiisadaan ayaa ka dhalatay dhul deegaan ah oo sabatay dhimasho iyo dhaawac 29-kii Oktoobar 2019 ayaa Taliye Ku xigeenka Qaybta 21-aad, Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi iyo saraakiil kale oo ay wehliyaan waxgarad ka soo kala jeeda labada dhinac ee isku hayay waxaa ay ka gaareen maanta heshiis.

Nabadoon Cabdirisaaq Shaacuur Xuseen (Shuuke) iyo Nabadoon Maxamed Daahir ayaa si wada jir ah,iyaga oo taagan dhulkii laga gaaray heshiiska maanta waxaa ay la wadaageen warbaahinta xalka ay wada gaareen.

Taliye Ku Xigeenka Qaybta 21-aad Gaashaanle Aadan Siyaad Cabdi ayaa uga mahad celiyay odayaasha labada dhinac ee heshiiska gaaray.