Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaaladda Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda France u qaabilsan wadamada Soomaaliya iyo Kenya Ambassador Aline Kuster-menager.
Kulanka oo ay ka qeyb-galeen Qunsulka Safaarada France u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Emmanuel Dagron-Halim iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland, waxaana looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, Siyaasadda, Amniga iyo mashaariicda horumarin ee Puntland ka socda.
Madaxweyne Deni ayaa horey waxaa uu ula kulmay Safiirada dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska,iyaga oo ka wada hadley arrimo ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo Amniga.



