Barcelona waxaa ka maqnaan doona Lionel Messi kulanka caawa ee Joan Gamper Trophy ay ku wajahayaan Arsenal.
Messi ayaan weli ka soo laaban fasaxa ka dib waajibaadka caalamiga ee dalkiisa uu kala qeyb galay Copa America, taasoo la micno ah inuusan ciyaari doonin kulanka Arsenal ee ka dhacaya Nou Camp.
Argentina ayaa ku soo baxday kaalinta saddexaad ee tartankan laakiin 32 jirka ayaa ciyaaraha caalamiga ah laga ganaaxay muddo seddex bilood ah ka dib markii uu sheegay in tartanku uu musuqmaasuq ku dhamaaday.
Messi ayaa casaan la siiyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Chile ka dib waxa uu sheegay in “Koobku uu u harsan yahay kaliya in lasiiyo xulka Brazil”,taasoo sidookale keentay in laguganaaxo $ 50,000.
Xiddiga Barcelona ayaa ku raaxeysanayay fasax ka dib tartankan laakiin wuxuu ku laaban doonaa kooxdiisa ka hor bilowga ololaha La Liga.



