Waxa si Rasmi ah loo soo saaray xiddigaha u tartami doona abaalmarinta kabta dahabka ah ee sanadka 2021 iyada oo ay u tartamayaan xiddigo badan oo fiican.
Abaalmarinta ayaa ah mid la bixiyo sanad kasta waxana lau bixiyaan magaalada Monaco ee ku taala dalka france.
Abaalmarinta sanadkan 2021 waxa u tartami doona 10 xiddig kuwaas oo doonaya in ay sanadkan ku guulaystaan abaalmarinta kadib sanad cajiib ah oo ay soo qaateen.
Xiddigaha Mohamed Salah, Sergio Ramos, Lionel Messi iyo Neymar ayaa ka mid ah liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta kabta dahabka ah ee sanadka 2021.