Burcad baddeed Soomaali ah oo markab ku weeraray xeebaha Soomaaliya

Markabka oo ahaa mid  ganacsi ayaa kooxaha Burcad baddeeda Soomaalida waxaa ay weerareen xilli uu marayay meelo kamid ah xeebaha dalka Soomaaliya, isaga oo waday Agab Ganacsi oo aad u farabadan.

Ururka Ganacsiga Badaha UK War kasoo  baxay ayaa waxaa lagu sheegay in Markabka iyo shaqaalihiisa ay Burcadda isku dayeen inay afduubtaan, hayeeshee ay  bad qabaan oo ay ka badbaadeen.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay meel 100 nautical miles waqooyi bari uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana markabka gelbiyay Ciidamada NATO oo ku sugan xeebaha Soomaaliya.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u yaraaday weerarada Burcad baddeeda Somaalida, hayeeshee werarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli malmihii la soo dhaafay golaha Ammanka ee QM ay ka doodayeen amniga Badaha Soomaaliya.