Xiddiga Chelsea Christian Pulisic Oo Halis U Galay Inuu Isdhaawaco

Weeraryahanka Chelsea Christian Pulisic ayaa jug ay ka soo gaartay xaga danbe xilli uu iska duubayay muuqaal Tiktok ah isagoo karantiil u jooga gurigiisa.

Xiddigaha Premier League ayaa waqti badan ku qaadanaya baraha bulshada madaama aysan ka soo bixi karin guryahooda sababo la xiriira caabuqa Corona.

Laacibiin badan ayaa baraha bulshada soo dhigayay muuqaalo ay farsamo cajiib ah ku sameynayaan qolalkooda iyo deyrka gurigooda si ay u madadaaliyaan taageerayaashoosa.

Pulisic ayaa isna ku dayay inuu soo jiito taageerayaasha laakiin sidii uu qorsheynayay uma aysan noqonin xiddiga Chelsea iyo xulka Mareykanka.

Muuqaalka uu soo dhigay barahiisa bulshada ayaa la arkayaa Pulis oo isku dayaya inuu farsamo dhowr ah ku sameeyo kubada isagoo taagan deyrka gurigiisa.

Laakiin intii uu farsamada isku dayay waxay kubada u gashay cagta hoosteeda isagoo kor u duulay islamarkaana dabada dhulka ku dhufsaday.