James Rodriguez oo qarka u saaran inuu soo idleeyo heshiiska amaahda ah ee Bayern Munich islamarkaana ku laabto Real Madrid ayaa doortay inuu si joogta ah ugu biiro Liverpool, sida laga soo xigtay wargeyska The Daily Express.
Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo doonaya inuu helo bedelka Philippe Coutinho oo dhawaan ugu biiray Barcelona lacag dhan € 120 million, waxaana loo arkaa James Rodriguez.
Tababaraha Jarmalka ayaa qiray in James Rodriguez yahay bartilmaameedka ugu fiican kooxdiisa, iyadoo Reds weli aysan qarashgareyn lacagihii ay ka heleen iibkii Coutinho.
James Rodriguez ayaa kasoo bilaabay xirfadiisa ciyaaraha kooxda dhalinyarada ah ee reer Colombia Envigado sannadkii 2006dii.
Rodriguez ayaa labo sanno ka dib u dhaqaaqay kooxda ka dhisan dalka Argentina ee Banfield si uu ugu hormariyo xirfadiisa ciyaareed.
Ka dib markii uu kula guuleystay Copa Libertadores, James wuxuu u dhaqaaqay qaarada Europe sannadkii 2010kii, isagoo doortay FC Porto oo bixisay lacag dhan € 5.1 milyan.
Seddex xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa kooxda ayaa keentay in 45 milyan oo euro ugu dhaqaaqo kooxda AS Monaco ee ka dhisan dalka France.
Xiddiga reer Colombia oo qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay Koobkii Adduunka ee 2014kii, ayaa 80 milyan oo euro ugu wareegay kooxda Real Madrid.
Si kastaba ha ahaatee, Rodriguez ayaa ku dhibtooday inuu la qabsado kooxda koowaad ee Los Blancos, waxaana uu amaah ugu biiray Bayern Munich bilowgii xilli ciyaareedkii 2017/18.



