Xiddig Liverpool Ah Oo 14 Maalmood Laga Ganaaxay Garoomada Ka Dib Markii Uu Ku Maadsaday Harry Kane

Da’ yarka kooxda Liverpool Harvey Elliot ayaa garoomada laga ganaaxay muddo 14 maalmood ah ka dib markii lagu helay inuu xadgudbay sharuucda u taala xiriirka kubada cagta Ingariiska isagoo laga duubay muuqaal uu ku maadsanayo Harry Kane.

Muuqaal oo la soo dhigay baraha bulshada bishii July ayaa muujinaya xiddiga khadka dhexe oo ku maadsanaya weeraryahanka Tottenham islamarkaana isticmaalaya tilmaamo loo arkay xadgudub weyn.

Eilliott ayaa ku maadeystay qaabka hadalka ee Harry Kane taasoo meel ka dhac weyn ku ah qof sharafkiisa madaama uusan iska bedeli karin qaabkii uu ku dhashay.

Elliott oo 16 sanno jir ah ayaa si weyn loogu dhaleeceeyay muuqaalka uu duubay, waxaana ay sababtay inuu raaligelin ka bixiyo talaabada uu qaaday.

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa soo gabagabeeyay baaritaankooda, waxaana ay ku ganaaxeen xiddigaan inuusan ciyaarin karin kulamada maxalig ah muddo 14 maalmood ah oo ku dhamaaneysa 25ka bisha October.

Elliott ayaa sidoo lagu ganaaxay lacag gaareysa 350 ginni iyo inuu qaato koorso waxbarasho oo ay bixineyso FA-ga.