Tababaraha Barcelona Ernesto Valverde ayaa u arka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Thiago Alcantara inuu yahay mid ku haboon kooxdiisa sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Marca.
Barca ayaa fasaxday labada ciyaaryahan ee khadka dhexe Paulinho iyo Andres Iniesta xagaagan, halka Andre Gomes uu garoomada ka maqnaan doono ilaa labo bilood, taasoo caqad ku ah kooxda tababare Valverde.
Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto seddexda ciyaaryahan ee dhaxe kadib markii kulamadii hore qeybta garabka bidix lagu soo bilaabay.
Laakiin Marca ayaa ku adkeysaneysa in Valverde uu aaminsan yahay in kooxdiisa ay wali tahay mid dooneysa inay lasoo saxiixato xiddiga qadka dhexe.
Mid ka mid ah bartilmaameedyadii ugu sarreeyay kooxda ayaa ahaa ciyaaryahanka Juventus Miralem Pjanic, inkastoo uu ku dhowyahay inuu sii joogo kooxdiisa.
Taa bedelkeeda, Barca ayaa dooneysa inay Thiago kusoo celiso kooxda isagoo kaga dhaqaaqay Bayern sannadkii 2013.



