Xasan Xanafi oo maanta la horgeynayo Maxkamada ciidamada qalabka sida

Waxaa maanta la filayaa in maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federalka Somaliya uu ka soo hor muuqdo ninka ku eedeysnaa inuu ka dambeeyay dilalkii loo geystay Suxufiyiin Soomaaliyeed oo ka shaqeynaayay Warbaahinta Muqdisho.

Eedeysane Xasan Xanafi Xaaji, ayaa la soo taagaya Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida, si maxkamada ay u qaado kiisaska la xiriira eedeymaha kala duwan ee loo haysto Ninkaan.

Xasan Xanafi oo ka soo muuqda Barnaamij ka baxay Tv-ga Dowladda ayaa qirtay inuu ka dambeeyay dilalka loo geystay Suxufiyiinta qaar oo lagu laayay Muqdisho.

Wuxuu sheegay Xasan Xanafi inuu ka dambeeyay dilkii loo geystay, Wariye Mahad Axmed Cilmi, Cali Iimaan Sharmaake, Milkiilihii Horn Afrik, Siciid Tahliil Axmed Agaasimihii Horn Afrik, Wariye Sheekh Nuur Abkeey oo Radio Muqdisho ka shaqeynaayay iyo Wariyeyaal kale oo fara badan oo uu qirtay inuu isaga maleegay dabinadii lagu dilay.

Xasan Xanafi Xaaji, ayaa gacanta lagu soo dhigay Dabaqaayadii Sanadkii 2014, xilligaasi oo laga soo qabtay dalka Kenya, sida ay sheegeen Sirdoonka Dowladda Federalka Somaliya.

Wixii warar ah ee Ku  Soo Kordha la soco Insha’allah