Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay howlgallo ay ka sameeyeen tuulooyin iyo deegaanno ku yaala gobolka Bakool in ay ku dileen sideed ka mid ah ururka Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale qirteen in dhinacooda uu hal askari kaga dhintay dagaalka.
Ma jirta cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada ciidamada dowladda Soomaaliya, mana jiro war ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.


