DHAGEYSO: Xariga Cabdi Maxamuud iyo waxyaabaha loo heysto [Warbixin]

Muqdisho-RisaalaFM- Ciidamada Booliska dalka Ethiopia ayaa ka saaray Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii dowlad deegaanka Soomaalida guri uu kaga sugnaa magaalada Addis Ababa, iyadoo xabsi loo kaxeeyay.

Waxaa la arkayay ciidamada oo xabsi guri uu ku jiray Cabdi Maxamuud Cumar ka soo saaray, kaasi oo ku dhow Hotelka Atlas ee magaalada Addis Ababa oo uu muddo bil ku dhow xabsi guri ku ahaa.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Ethiopia, ayaa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar loo heysto gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Warbixintan waxaa ka diyaariyay wariyaha Risaala, Maxamed Ciise Maxamuud:-