Al-shabaab oo beenisay dilka Mahad karataay

Al-Shabaab ayaa waxaa ay ka hadleen Weerar Duqeyn Diyaaradeed ah oo la sheegay in lagu dilay ku xigeenka Hogaamiyaha Al-Shabaab oo lagu magacaabo Mahad Karataay.

Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in Sheegashada Kenya ee Warkaasi waxaan taa bedelkeeda ay shegeen in kenya ayarintaasi u la  damacsan yihiin in ay ku beer qaboojiyaan Qoysaska Askartooda Ceel Cade looga laayey weerarkii 15kii bisha Janaayo.

Xerada Weerarka uu ka dhacay oo Sida la sheegay u dhaxeysa Saakoow iyo Bu’aale oo kawada tirsan Jubbada Dhexe ayaa lagu magacaabaa Nadaaris halkaas oo lagu tababaraayay Maleshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Kenya ayaa maanta waxaa ay sheegatay dilka Mahad Karataay iyadoo Xarakada Al-shabaab ay dhankooda iyaguna ka bixiyeen jawaab deg deg ah taasoo ku aadan in aan la dilin hogaamiyahooda.

Ma jiraan ilo ka madax banaan oo tilmaamaya  Sheegashada labada dhinac ee warkaasi ku aadan.

Wixii warar dheeraad ah ku soo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonaa haduu eebe idmo.