DHAGEYSO: Maamulka Galmudug” shacabka waa in ay lashaqeeyaan ciidamada amaanka”

Xareed Cali Xareed gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug ayaa shacabka reer Galmudug waxaa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Waxaa sidoo kale Xareed Cali Xareed uu sheegay in hadii shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka uu hagaagi doono amniga magaalada.

Iyadoo dhanka kalana uu tilmaamay oo uu sheegay in maamulka Galmudug  ay maalmihii u dambeeyay ay ahaayeen kuwo iyaga si wadajir ah u wada shaqeeyaan

Waa sida uu tilmaamay gudoomiye ku xigeenka.

Waxaa dhowaan ay ciidamada Galmudug ay soo furteen dad ajaanib ah oo lagu haystay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.