Daafaca kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa sheegay in La Liga weli uu yahay mid guran,.isagoo diiday in kooxda Barcelona ay ku guuleysan karto,
Kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu ayaa todobo dhibcood ka danbeeysa kooxda Catalans ka dib markii ay 3-1 Barca kaga badisay xalay kooxda Sporting Gijon.
Sergio Ramos ayaa carabka ku adkeeyay in weli 14 kulan ay ka harsan tahay Horyaalka, waxaana uu ugu booqay saxiibadiisa inay aysan niyad jab muujin.
“Tartanka horyaalka weli ma dhamaan ,Waxaa Weli jira kulamo badan oo haray,” Ramos ayaa u sheegay suxufiyiinta.
“Laakiin waa run in wax kasta ay ku xiran tahay natiijada Barcelona ,Waxaan weli rajo ka qabnaa inaan ku guuleysano horyaalka.


