Muqdisho-RisaalaFM- Kalfadhiga labaad kulankiisa 12-aad, kulanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay C/wali Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Ajandaha kulanka ayaa maanta ahaa ka doodista warbixinta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya maanta waxaa hortagay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxaana su’aalo laga weydiiyay halka ay mareyso howsha Guddiga ee Doorashooyinka iyo waliba in Soomaaliya 2021-ka la gaarsiiyo Doorasho qof iyo cod ah.
Gaba gabadii kulanka Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay qaar ka mid ah su’aalihii la weydiiyay, waxayna sheegtay in ay ku rajo weyn tahay in Soomaaliya la gaarsiiyo Doorasho dadweyne.
“Waxan idin sheegeynaa Guddi ahaan Doorasho waala qaban karaa, maxaa loo qaban karaa, aan shaqadii barano, maalinba maalinta ka dambeysa howsha aan wax ka qabano, hadii hal maalin ay naga takto waqti naga tagay waaye, Dastuurka wuxuu idin dhigayaa in 2020-ka Doorasho la qabto, hadii aad shaki ka qabtiin hada fariistee ka bedela Dastuurka”. Ayay tiri Xaliimo Yarey.


