Waxaa si rasmi ah u billaabatay tirinta codadkii maanta laga dhiibtay doorashadii dalka Kenya.
Natiijadii 5,000 ee cod ee ugu horaysay ayay imika guddiga doorashada ee IEBC tiriyeen.
Saraakiisha doorashada ayaa codadka ku tirinaya goobta codadka laga dhiibtay ka dib na waxa ay u soo gudbinayaan xarunta dhexe ee caasimada ,Nairobi.
Guddiga doorashada ayaa waxa ay sharciyan haystaan 7 maalmood in ay ku hsaaciyaan natiijada kama dambaysta ah.



