Xabbad joojin ka dhaqan gashay Colombia 52 sano kaddib

Farc waxay soo dagaalamaysay tan iyo 1964-tii, dagaaladii ay ku lugta lahaydna malaayiin dad ah ayaa ku barakacayImage copyrightAFP

Farc waxay soo dagaalamaysay tan iyo 1964-tii, dagaaladii ay ku lugta lahaydna malaayiin dad ah ayaa ku barakacay

Xabbad joojin ayaa ka dhaqan gashay dalka Colombia taas oo u dhaxaysa Jabhadda ugu wayn ee dhanka bidix iyo dawladda, taas oo soo afjaraysa mid ka mid ah jabhadayntii ugu wakhti dheerayd adduunka.

Xabbad joojinta ayaa dhaqan gashay saqii dhexe ee wakhtiga dalkaas kaddib afar sano oo ay wadahadallo Cuba uga socdeen Farc iyo dawladda.

Heshiiska u dambeeya ee lagu soo afjarayo dagaalka soo socday 52-da sano waxaa la sixiixi doonaa bisha soo socota.

Hogaamiyaha Farc, Rodrigo Londono, oo loo yaqaanno Timoleon Jimenez ama Timochenko, ayaa amray in la joojiyo xabbadda.

“Mar dambe ma dhici doonto in waalidku ay ku ducaystaan in wiilashooda iyo gabdhahoodu ay ku dhintaan dagaalka” ayuu Timochenko u sheegay weriyeyaasha.

“cadaawadda iyo cabashaduna wax laga soo soo gudbay ayay noqon doonaan” ayuu sii raaciyay.