Xabad joojin la dhex dhigay Xuuthiyiinta iyo Dowlada

 

Xabad joojintan ayaa horudhac u ah shirka nabadeynta ee lagu wado in loo qabto dhinacyada Yemen isku haya, shirkaasi oo ka bilaaban doona dalka Kuwait 18ka bishan Abriil.

Dowlada Yemen iyo xulafadooda Sacuudiga ayaa sheegay inay hirgelin gelin doonaan xabad joojinta, sidoo kale xuuthiyiinta ayaa sheegay inay aqbaleen xabad joojinta. Balse labada garab ayaa sheegay inay is difaaci doonaan hadii dhinaca kale uu jabiyo xabad joojintan ay kasoo shaqeysay Qaramada Midoobay.

Dagaalka Yemen ee u dhaxeeya Xulafada Dowlada Yemen ee Sacuudiga hogaaminayo iyo kooxda Xuuthiyiinta oo socda muddo hal sano ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen in ka badan 6200 qof, halka ay ku baro kaceen malaayiin qof. Wadankaasi Yemen ayaa hada lagu soo waramayaa in ka badan 20 milyan oo shacabka dalkaasi ay u baahan yihiin gargaar bini’aadamnimo.