Wixii Uu Luis Suarez U Sheegay Ciyaartoyga Liverpool Kaddib Markii Uu Qaniinay Ivanovic Oo La Shaaciyey

Halyeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa daboolka ka qaaday wixii uu Luis Suarez u sheegay ciyaartoyga kooxdiisa markii ay dhamaatay ciyaartii uu fadeexadda kala kulmay ee uu gacanta ka qaniinay difaacii hore ee Chelsea ee Branislav Ivanovic.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa toban kulan oo ganaax ah ku riday weeraryahanka reer Uruguay April 2013, kaddib markii uu gacanta ka qaniinay Ivanovic isla markaana islkiisa ku sawiray, waxaanu ganaaxaasi keenay inuu bannaaka ka fadhiyo shantii kulan ee ugu horreysay xili ciyaareedkii dambe, laakiin haddana waxa uu ku dhamaystay abaal-marinta laacibka ugu goolasha badan iyadoo uu dhaliyey 31 gool.

Inkasta oo ay kamaradaha faraha badan ee garoonka ku xidhnaa muujiyeen qaniinyada uu Suarez kula kacay Ivanovic, haddana waxa uu isku dayay inuu dafiro wixii uu sameeyey oo uu dembi la’aan iskaga dhigo ciyaartoyda kooxdiisa markii ay qolka lebbiska iskugu yimaaddeen.

Jamie Carragher oo arrintan bannaanka keenay, ayaa waxa uu ka sheekeeyey wixii uu Suarez ciyaartoyda u sheegay, waxaanu yidhi: “Markii uu yimid qolka lebbiska, waxaanu bilownay inaanu ogaano wixii dhacay iyo sidii wax u dhaceen, waxaanu noo sheegay in aanu waxba samaynin. – Luis xaqiiqdii wuu dafiray markii u horreysay.

“Laga yaabaa inuu rajaynayay in kaamirooyinku aanay soo saarin.”

Difaaca hore ee Liverpool waxa uu sheegay in dhacdadaasi ay saamayn ku yeelatay bandhigga Reds ee xili ciyaareedkii dambe, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in dhacdadaasi ay saamayn weyn ku yeelatay Liverpool xili ciyaareedkii dambe. Waxay ila tahay in Suarez uu toddoba illaa siddeed ciyaarood ganaaxnaa, xili ciyaareedkii dambena uu seegay afar ama shan ciyaarood.