Willian oo daaha ka rogay hal sabab oo uu uga tagi rabay kooxda Chelsea

Laacibka kooxda Chelsea ee Willian ayaa xagaagan ku sigtay inuu ka dhaqaaqo garoonka Stamford Bridge.

Kooxda Barcelona ayaa si aad ah loola xiriiriyay laacibka reer Brazil kaasoo sidoo kale xiiso ka helay Manchester United.

Willian ayaa caddeeyay inuu hal sabab uga tagi rabay Blues taasoo hadda xalkeeda la helay.

30-jirkan ayaa xaqiijiyay inuu ka tagi lahaa Blues haddii uu kooxda sii maamuli lahaa Macallin Antonio Conte.

Chelsea ayaa iska raacdeesay Conte oo xilli ciyaareedkiisii labaad ku fashilmay shaqada galbeedka London, iyadoo ugu dambeyn xagaagan ay Maurizio Sarri.