Xiddiga qadka dhexe ee Liverpool Georginio Wijnaldum ayaa ku adkeystay soo laabashadii cajiibka aheyd ee xilli ciyaareedkii hore finalka semi-finalka Champions League ay ka gaareen Barcelona in ay tahay xasuustiisa ugu weyn kubadda cagta.
Ku dhawaad shan bilood ayaa laga joogaa tan iyo markii kooxda Jurgen Klopp ay ka yaabisay kooxdii ugu cadcadeed tartanka Yurub oo ay kaga badiyeen 4-0 lugtii labaad iyagoo waliba hantay koobka afar todobaad ka dib.
Inkasta oo habeenkaas Merseyside si walai ah looga dabaaldegay taageerayaasha xitaa wax ka badan uma arkryn guushii xigtay oo ay ka gaareen Tottenham kulankii finalka ee ka dhacay Madrid, Wijnaldum wuxuu sheegay inay hadda uun xusuus weyn u tahay ciyaartoyda kulankaas.
Wixii hore u dhacay had iyo jeer waa wixii hore, ”ayuu yiri xiddiga Holland, kaasoo dhaliyay labo gool ciyaartaas iyadoo Reds ay lugtii hore 3-0 ay kaga soo badisay Barcelona.
Waxaan u abuurnay xasuus weyn nafteena, laakiin maahan wax aan ka fikirno waqti walba. ”Wijnaldum ayaa ka hadlayey arinkaan ka hor booqashada kooxdiisa ee Red Bull Salzburg, iyadoo kooxdiisa ay radineyso guushii ugu horeysay tartanka Yurub ee garoonka Anfield tan iyo habeenkii cajiibka ahaa Barca.
Wuxuu raaciyay hadalkiisa: “Dabcan waxay ina siineysaa tani kalsooni haddii aad ku sugan tahay xaalad sidan oo kale ah gebi ahaanba waa ka duwan tahay ciyaaro kala duwan, xaalado kala duwan iyo kooxo kala duwan.”
Waa inaan hubnaa inaan diyaar u nahay oo aan ka fekereynin xilli ciyaareedkii hore.
“Taasi waa xusuus weyn ku leedahay qalbigeena, laakiin waa inaan sugno inaan sii wanaajino oo aan finalka wada gaarno mar labaad. Dib uma eegi doono wixii tagay laakiin hore ayaan u socan ddoonaa.
Ka dib guuldaradii ka soo gaartay Napoli kulankoodii furitaanka, waxay doonayaa inay sii celiyaan Reds qaab ciyaaareedkoodii fiicnaa ee xilli ciyaareedkii hore markaasoo laga badiyay afar ka mid ah lixdii kulan ee ay marti ahaayeen.
Guul ay ka gaarto Liverpool kooxda Salzburg isbuucaan ayaa muhim u ah kooxda heysata horyaalka Yurub.
Way fiicnaan laheyd. Dhamaanteen waan ognahay sida ay yihiin habeennada Champions League sidaas darteed waanu sugi doonaa taas ”ayuu yiri Wijnaldum.