Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa xalay dad ku weeraray Magaalada London ee Xarunta Britain, iyadoo uu dilay haweeney, halka lix kalana uu dhaawacay.
Weerarkan, ayaa wuxuu ka dhacay Fagaaraha Russell Square ee Bartamaha Magaalada London. Ciidamada Booliska oo goobtaasi gaaray, ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi.
Weerarka mindida ah waxaa gaystay 19 jir haysta dhalashada dalka Norwey, asal ahaan waxaa uu kasoo jeedaa dalka Soomaaliya.
Ninkan ayaa la tuhmayaa in uu qabay xanuunka dhimirka oo aanu wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada , booliska Londona waxaa uu sheegay in wali aysan jirin cadaymo muujinaya in weerarkan uu xiriir la leeyahay xagjirnimo, weerarkuna u muuqdo mid aan qorshaysnayn oo caadi ah.
Booliska hubaysan ayaa la wacay xalay 10:33 fiidnimo kadib markii ninkan asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ee haysta dhalashada Norway uu toori ku weeraray dad ku sugnaa Russell Square, gaar ahaan beer lagu nasto oo ku dhow mid kamid ah goobaha weerarka argagixiso lagu qaaday sanadkii 2005.
Duqa magaalada London, Sadiq Khan, oo ah ninkii ugu horeeyay ee muslim ah ee gudoomiye ka noqdo magaalo madax ka tirsan dalalka galbeedka ayaa ku dhawaaqay in la muujiyo feejignaan, waxaana uu ugu baaqay dadweynaha London in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada booliska.
Maalmo ka hor ayaa maxkamadda Old Bailey ee London ay xabsi daa’in ku riday Muxuyadin Mire oo weerar noocan oo kala ah ka gaystay goob laga raaco tareenada oo ku taala bariga London. Ninkaasi ayaa markii hore la sheegay in uu qabay xanuunka dhimirka hase yeeshee waxaa kaloo lagu eedeeyay in weerarkiisii December dhacay ay ku lug lahaayeen kooxda ISIS.


