WHO oo ku baaqday in wax laga qabto cudurka Jadeecada

Muqdisho-RisaalaFM- WHO oo ah Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka ayaa waxa ay ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto cudurka jadeecada ee ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya.

WHO ayaa la-hawlgalayaasheeda caafimaadka waxay si deg deg ah ugu baaqday in ay ka jawaabaan jadeecada ka dillaacday Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Hay’adda ay soo saartay.

Shaqaalaha WHO ayaa hada qaarkood waxay la shaqeeyaan Hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya si ay u bixiyaan adeegyo caafimaad oo aasaasi ah.

Waxay sheegtay Hay’adda si loo wanaajiyo waxqabadyada ka jawaab celinta cudurka dilaacay iyo qab qabashada tallaalka jadeecada ee bisha Nofembar, in ay u baahan tahay lacag dhan $ 6.8 Milyan.

“Soomaaliya waxay la kulantaa mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ugu xun dunida oo dhan, Malaayiin qof, oo horeyba u jirey macaluul ayaa hadda halis u ah inay si deg-deg ah u faafiyaan cudurrada faafa sida daacuun iyo jadeeco,” Ayuu yiri Ghulam Popal, oo ah wakiilka WHO ee Soomaaliya .

“Caadi ahaan, cudurradani way sahlan yihiin si loola socdo lagana hortago, laakiin waxay u noqon karaan kuwo dilaa ah marka ay dadku ku nool yihiin goobaha buux dhaafka ah oo ay aad u tabar daran yihiin si ay ula dagaallamaan cudurka.” Ayuu sidoo kale yiri Ghulam Popal.

WHO iyo la-hawlgalayaasheeda ayaa tallaalay qiyaastii 600,000 oo carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 6 bilood illaa 5 sano jadeeco waddanka oo dhan ah, sanadkii la soo dhaafay.