Askari boolis ah oo ka tirsan ciidammada Jamhuuriyadda Dominica oo dilka kaddib ilaalo ka haya xarunta Idaacadda FM 103.5Lahaanshaha sawirkaEPA
Askari boolis ah oo ka tirsan ciidammada Jamhuuriyadda Dominica oo dilka kaddib ilaalo ka haya xarunta Idaacadda FM 103.5
Saddex nin ayaa la xiray kaddib markii la toogtay laba weriye oo si toos ah u tabinayay idaacad ku taal Jamhuuriyadda Dominica.
Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa la toogtay isagoo duubaya muuqaal si toos ah looga baahinayay Facebook-ga.
Muuqaalka ayaa muujinaya tabintii tooska aheyd oo ay soo dhexgashay rasaas iyo haween argagaxsan oo ku qeylinaya “Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday!”.
Turkiga oo xidhay weriyeyaal ka tirsan wargeyska Cumhuriyet
Saxafiyiinta Kenya oo tacadiyo ka mudaaharaadaya
Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay Talaadadii ka dhacday magaalada San Pedro de Macoris, ee ku taalla bariga magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo.
Labada weriye ee la dilay ayaa kala ah soojeediye Luis Manuel Medina iyo soo saare Leo Martinez.


