Wenger Oo Xaqijiyay In Hector Bellerin Muddo Bil Ah Garoomada Ka Maqnanayo

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay in Hector Bellerin garoomada ka maqnaan doono muddo afar isbuuc ah ka dib dhaawac yar oo kasoo garay kulankii koxdisa wajahday Tottenham isbuuc ka hor.

Daafaca buuxa  ee Spain ayaa waxaa soo gaaray dhaawac canqowga intii lagu guda jiray ciyaartii koxdisa 1-1 ay la galneen kooxda Spurs ka hor ciyaaraha heerka caalami.

Wenger ayaa ku sheegay shirkisa jaraa’id ee maanta: “Hector waa maqan yahay ila afar todobaad ee soscota. Waxa uu ku dhaawacmay 10-ki ilbiriqsi ee la soo dhaafay kulankii Spurs. “

Manchester United ayay usafrayaan Arsenal kulan adag, taaso caqabad weyn ku keeni karta maqnanshaha Hector Bellerin.