Wenger oo warbaahinta hor tagay ka hor kulanka Champions League

Arsene Wenger ayaa warbaahinta hor tagay ka hor kulan kooxdiisa ay ku wajaheyso Champions League.

Waxa uu ka hadlay aragtida uu ka qabo aLuis Suarez, Lionel Messi iyo Neymar kuwasoo Barcelona gaarsiiyay 32 kulan oo aan laga badin,

Wenger ayaa cadeeyay in ay adag tahay in la wajaho Barcelona waqtigan, waxaana uu sheegay inay leeyihiin awod ay ku guuleystaan markasta.

Wenger ayaa dib u xasuustay sababta uusan ula soo wareegin Weeraryahankii Hore ee Liverpool Sadex sano hor ,markii ay kooxdiisa dooneysay.

Sida laga soo xigtay tababaraha Arsenal ee, Suarez ayaa abuuray ,waxyaabo badan markii uu joogay Liverpool,  lakiin wuxuu qiray in xiddiga uusan kusoo biirin kooxdiisa  Arsenal, laakiin uu dooortay Barcelona.

“Waxaan arkay Cristiano Ronaldo iyo Messi kubad ,lakiin Suarez waa mid ka duwan, sababtoo ah wuxuu doonayay inuu noqdo ninka ugu goolasha badan markasta,” ayuu yiri Wenger.

“Marka aad aragto qof sida Messi kasoo dhaliyay goolkiisii 300aad ,kubadna siinaya Suarez, taas macnaheedu waa inay jirto kalsooni badan.”

Mar la weydiiyay waxa ku saabsan awooda Suarez, ayuu hadalkiisa ku daray: “waxaan aaminsanahay in Suarez wax kasto siisay kooxdiisa.

“Waxa uu u sameeyey waqtigisii Liverpool, wax badan waxa uu ka duwan yahay marka laga hadlayo awood ahaan xiddigaha Uruguay Edinson Cavani iyo Diego Forlan , Waxay wada ciyaareen ciyaartooydaasi wax badan  ,lakiin Suarez waa nooc ka mid ah kuwa abuura fursadaha ugu badan.

Arsenal ayaa dalab £ 40million oo lagu daray £ 1 u dirtay Suarez July 2013, taasoo aheyd qiimaha lacageed ee lagu burburib karay qandaraaskiisa lakiin kooxdiisii Reds ayaa diiday.

Steven Gerrard ayaa laga yaabaa in lagu eedeeyo inuu dhaco heshiiskaasi,markii kabtanka Liverpool uu u sheegay Suarez inuu ku biro Barcelona,

Suarez ayaa £ 75m sannad ka dib ugu biiray La Liga,kadib markii uu ku dhibtooday noloshiisa England, isagoo dhaliyay goolkiisii 25aad 24 kulan oo uu xili ciyaaredkan ciyaaray, waxaana tartamada oo dhan uu dhaliyay 41 gool xilli ciyaareedkan.

Ka dib markii ay isku dayeen in ay lacag rikoor Arsenal kula soo wareego Suarez loona diiday, Wenger ayaa la weydiiyay hadii uu weli la yaaban yahay dhacdadaas, “Hadda ma ahan layaab,” ayuu yiri. ‘Waa wax hore oo nagu dhacay.

“Shakhsi ahaan,waxaan aaminsanahay inay adag tahay in la joojiyo Ciyaartooyda weerarka kooxda Barcelona ayuu yiri Wenger,

Barcelona ayaa si madadaalo leh ku badisay todobaadkan, halka Arsenal ay ku guuldareystay inay gool ka dhaliyaan kooxda Championship ee Hull, in kastoo geesiga ciyaartaasi joojiyay Arsenal uu ahaa goolhaye Eldin Jakupovic .

Arsenal ayaan garoonkooda kusoo dhaweyn doona habeen talaadada ah kooxdii ku garaacday Finalka Champions League 2006 ee Barcelona.

Wenger waxa uu sidoo kale ogyahay. In aysan aheyn wax sahlan in la joojiyo kooxda Barcelona awooda ay ku wadaan sadexda Weerar ee MSN,

Wenger waxa uu sidoo kale ogyahay. In aysan aheyn wax sahlan in la joojiyo kooxda Barcelona awooda ay ku wadaan sadexda Weerar ee MSN.