Danny Welbeck ayaa dhaliyay goolkiisii afaraad ee xili ciyaareedkaan dhaawacyada ay hareeyeen, madaxii uu daba mariyay De Gea ayaana ahaa mid dilay rajada Man United ee kulankii ka dhacay Emirates Stadium.
Guushii ay wiilasha Arsene Wenger ku gaareen gurigooda waxey usoo dhaweysay booska shanaad, waxeyna sidoo kale aheyd markii ugu horeysay oo uu tartan rasmi ah uu Arsene Wenger ka adkaado Jose Mourinho.
Granit Xhaka ayaa daah furay goolasha Arsenal markii uu kubad gantaal ah la beegsaday goolka United, Herrera ayey sii martay taasoo keentay iney si aan caadi aheyn shabaqa u gasho.
Si kastaba Welbeck ayaa sawir kala soo muuqday Mesut Ozil kadib guushii United iyadoo labada xidig ay qolka labiska farxad ku muujiyeen.
“Dhabtii waxey noo aheyd wax muhiim ah inaan helno guushaan maanta iyo sida cad booska aan kaga jirno kala sareynta waqtigaan, waxaan u baahanahay inaan sii sare kacno” ayuu yiri isagoo la hadlayay Sky Sports
Xigasho Laacib.net



