Wasiirka Amniga Puntland Cabdi xirsi Cali ” Qarjab” oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Puntland ay soo saartay Amaro cusub oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka degaanada maamulka Puntland.
Wasiir Qarjab ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidii lagu arko iyadoo Maandooriyaal soo gelinaysa degaanada maamulka Puntland.
Waxaana uu sheegay in gaarigii lagu qabto Asaga maandooriyaal soo galinaya degaanada Puntland ay la wareegi doonaan.
Cidwalba oo qof dambiile ah uga daba timaada Xabsiga ayuu tilmaamay Wasiirka qarjab in tilaabo adag laga qaadi doono.
Ciidamada Ammaanka ayuu ugu baaqay in ay sameeyaan Howlgallo lagu baadigoobaayo dadka maandooriyeyaasha soo galiya Puntland.


