Weeraro iyo isqarxin lagu qaaday degaanka kulbiyow

Wararka naga soo gaaraya degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay halkaasi  xalay ku qaadeen Weerar xooggan.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka Al-Shabaab ayaa dhowr jiho kasoo weeraray Saldhiga Ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin degaanka Kulbiyow.

Weerar iyo Isqarxin ayaa lagu qaaday Saldhiga Ciidamada dowladda Kenya.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay.

Kala soco Wararka weerarkaasi Risaala.net