Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee kamid ah AMISOM ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Kenya ku leeyihin degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay hal Askari oo Kenyan ah tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana jirtay tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen labada dhinac intii uu dagaalka socday.

Xaaladda degaanka  Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa degan, waxaana degaankaas uu kamid yahay goobaha laga ilaaliyo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.