War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah faahiyay Ardayda Soomaaliyeed ee ka cararay dagaalada ka socda dalka Ukraine, kuwaas ooo gaaray dalal kamid ah Qaarada Yurub.
Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Safaaradaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin dalalka Jarmalka, Belgium iyo Seerbiya ay xiriir wanaagsan la sameeyeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo barakacay Ukraine ee ku sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Belgium ayaa sidoo kale xafiis qunsuliyadeed oo ku meel gaar ah ka hirgelisay xuduudka Poland iyo Ukraine (Xarunta soo dhaweynta ee Hala Kijowska) ee magaalada Warsaw.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya sidoo kale waxaa ay sheegtay in 40-qof oo Soomaali ah ay si nabad ah ku gaareen dalka Romania, halka 4 kalena ay ku sugan yihiin dalka Jarmalka, waxaana 7-qof oo kale ay tegi doonaan dalka Poland marka la dhameeyo warqadaha aqoonsiga. Sidoo kale, Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Belgium-ka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaafay u fududeysay afar iyo labaatan qof oo Soomaali ah in ay helaan warqadaha dukumentiga ah.
” Dawladaha martida loo yahay waxay soo dhawaynayaan ardayda Soomaaliyeed ee imanaya Romania, Hungary, iyo Serbia ee raba inay waxbarashadooda sii wataan. Soomaaliya waxay ardayda siin doontaa adeegyada qunsuliyada, taageerada kale ee loo baahan yahayna waxaa bixin doona dowladaha martida loo yahay ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay WasaaraddaArrimaha dibadda Soomaaliya.
Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxeeyay dowladaha Ukraine iyo Ruushka ayaa waxaa dalka Ukraine ka cararayay Soomaalida ku nool, kuwaas oo gaaray qaar kamid ah dalalka Yurub.




