Weerar Khasaare geystay oo ka dhacay Mudug

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay degaanka Saaxo ee gobolka Mudug,islamarkaana kusoo jeeday degaanka Bandiiradleey.

Inta la xaqiijiyay Weerarkaasi waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro kale oo ka mid ahaa dadkii Gaariga Saarnaa.

Maleeshiyaadka Weerarka geystay ayaa la sheegay in ay u abaabulnaayeen qaab beeleed.

Dadkii ku dhaawacmay Weerarkaasi ayaa lasoo gaarsiiyay xarun Caafimaad oo ku taalla degaanka Bandiiradleey.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa degaanada Miyiga ah ee gobolka Mudug, waxaa kusoo badanayay Maleeshiyaadka Geysanaya Weerarada Gaadmada ah.