Tiemoue Bakayoko “Ima cabsi galin doonto imaatinka Danny Drinkwater”

LONDON, ENGLAND - AUGUST 20: Tiemoue Bakayoko of Chelsea looks on during the Premier League match between Tottenham Hotspur and Chelsea at Wembley Stadium on August 20, 2017 in London, England. (Photo by Chris Brunskill Ltd/Getty Images)

Kooxda Chelsea waxay dadaal xoogan ugu jirtaa soo qaashada Danny Drinkwater oo khadka dhexe kaga cayaaro Leicester City.

Danny Drinkwater waxaa lagu wadaa saxiixiisa Chelsea inay soo gaba gabeyso maal maha kooban ee suuqa Yurub ka harsan waana cayaaryahan khadka dhexe ku wanaagsan.

Hadaba imaatinka Danny Drinkwater waxaa ka hadlay Tiemoue Bakayoko oo xagaagan Chelsea kooxda Monaco kaga soo biiray.

Tiemoue Bakayoko wuxuu yiri “Aniga kama cabsi qabi imaatinta Danny Drinkwater”

Bakayoko oo lasii hadlaayay SFR Sport wuxuu yiri “Tartanka waa loo baahan yahay, waana arin wanaagsan, waxaana u maleynaa in koox walbo u baahan tahay inay cayaartooydeeda tartamaan, midaasna waxay kaa dhigeysaa qof sare u qaado hormarkiisa cayaareed”