Weerar ka dhacay Afganistaan

Ugu yaraan 28 qof ayaa dhintay 329 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax wayn oo ka dhacay bartamaha magaalo madaxada Afghanistan ee Kabul, boliiska iyo masuuliyiinta ayaa sheegay.

Qof ayaa isku qarxiyay baabuur, ka dibna niman hubaysan ayaa weerar soo qaaday, ayay wararka sheegayaan. Masuuliyiinta ayaa sheegay in weerarka uu hadda istaagay oo meesha dadka laga bixiyay.

Dadka qasaaraha soo gaaray ayaa u badan rayid.

Afhayeenka Taliban ayaa sheegay inay weerarka ka danbeeyeen.

Waxay imaatay toddobaad ka dib markii Taliban aya sheegeen inay bilaabayaan weerarkooda xiligan oo kale, iyagoo ka digay weerar wayn.