Warbaahinta Germalka iyo Faransiiska ayaa baahiyay in weerar dhanka internetka lagu qaaday laguna jabsaday macluumaad xasaasi ah oo uu leeyahay dalka Faransiiska waxa ayna sheegeen in weeraarkaani si gaar ah loogu beegsaday warshad Nugliyeerka sameysa oo uu Faransiisku ku leeyahay Magaalada Rueil-Malmaison oo ku taalla xaduuda ay wadaagaan Faransiiska iyo Jermalka.
Xogta la xaday ayaa la aaminsanyahay in ay isugu jirtay muuqaallo qarsoodi ahaa oo ku saabsan xabsiyo dalka Faransiisku uu leeyahay waxaana laga cabsi qabaa in xogtaasi loo isticmaallo si qaldan ama in lagu soo furto maxaabiista ku xir xiran xabsiyada dalkaasi.
Warsahada ka shaqeysa arrimaha Nugliyeerka ee la jabsaday ayaa magaceeda lagu sheegay in uu yahay Ingerop Engineering company waxa ayna Faransa kala shaqeysaa arrimaha Nugliyeerka iyo xogaha la xiriira amaanka ee dalkaasi.
Warshadaan ayaa horaan ula kulantay cambaareyno dhowr ah oo kaga timid dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha ka hortaga Nugliyeerka haba ugu darnaatee bilihii lasoo dhaafay oo ay aad u dhaliilayeen darder gelinta howlaheeda ay ku hormarineyso arrimaha Nugliyeerka dalkaasi.
Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalka Faransa ayaa warbaahinta u sheegay in ay heleen xog ku saabsan halka laga soo qaaday weerarka dhanka internetka ee lagu soo qaaday warsahada Ingerop iyagoo si hor dhac ahaan u sheegay in Magaalada dhacda galbeedka dalka Jarmalka ee Dortmund in laga soo qaaday Kumbuyiiter la kireestay oo halkaas yaallay in loo isticmaalay weerarkaasi.



