Wayne Rooney oo afka furtay kana hadlay Mustaqbalka Van Gaal

Kabtanka Manchester United Wayne Rooney ayaa rumeysan inuusan cago fiican ku fadhin mustaqbalka tababare Louis van Gaal.

Macalinkii hore ee Chelsea Jose Mourinho iayaa la filayaa inuu qabto shaqada garoonka Old Trafford mustaqbalka dhow, waxsaana shaqada waayeelkaan Holland go;’aan laga gaaray ka hor United inta aysan qaadin FA Cup.

Ka dib guushii 2-1 ay kaga adkaadeen Crystal Palace ciyaartii ka dhacday Wembley, ayaa laacibkaan England wax laga weydiiyay mustaqbalka Van Galk wuxuuna diiday inuu sawiro waxa jira isagoo yiri

‘Wax aan ogahay ma jiraan. Suaashaan aad I weydiineyso waxaa iska leh Louis van Gaal ama Ed Woodward. Aniga waxba igama quseeyaan,’ ayuu yiri 30-jirkaan.

‘Ma rabo inaan ka hadlo wax ku saabsan sida macalinimo ee Louis van Gaal ay tahay iyo wax kale laakiin waxaan kuu sheegayaa wali isaga ayaa shaada ku jira.

‘Waxaan u maleynayaa inuu shaqo fiican qabtay sababtoo wuxuu nagu hogaamiyay ku guuleysiga koobka FA Cup .

‘Waxaa isaga u heystaa inuu yahay macalin fiican wana shaqsi dabeecad wanaagsan oo anaga si weyn noo caawiyay laakiin wax walbo oo dhacaya waxaa go’aanka ugu dambeeya iska leh Ed Woodward.’ Ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Kabtan Rooney