Waxgarad Shaaciyay in lagu fashilmay xalinta Xiisadda Puntland iyo Somaliland

Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa xaqiijiyay in guud ahaan ay fashilmeen dadaallo ay waddeen Waxgaradka gobolka Sanaag oo lagu doonaayay in lagu xaliyo Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Somaliland.

Waxgaradka gobolka Sanaag ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu diiday in ciidanka Somaliland ay ka baxaan degaano ay dhawaan kala wareegeen maamulka Puntland.

shir mudda todobaad ah degmada Badhan uga socday hoggaanka dhaqanka bariga Sanaag ayaa looga hadlay sidii  ciidamada Somaliland ee ku sugan degmada Yubbe dib loogu celin lahaa degaankii ay kasoo baxeen.

Waxgaradka ayaa shaaciyay in guud ahaan ay fashilmeen dadaalladdii ay waddeen waxgaradka.

Ciidanka Somaliland ayaa dhawaan la wareegay degaanka Yuubbe oo horay ay gacanta ugu haayeen Ciidanka maamulka Puntland.